Wasiir Abshir Haruuse oo Saddex qodob kala hadlay Wasiirro kala duwan uu la kulmay (Sawirro)

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS Mudane Abshir Cumar Jaamac ( Huruuse) oo magaalada Addis Ababa kaga qayb-galaya shirka Midowga Afrika, heerka wasiirrada Arrimaha Dibedda ayaan kulan doceedyo ( Sideline Meetings) la yeeshay qaar ka mid ah Madaxda shirka ka qayb-gelaysa.

Masuulinta uu wasiirku kulmada miro-dhalka ah la yeeshay waxaa ka mid ahaa Raisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda Ethiopia Mudane Demeke Mekonnen Hassen, Xoghayaha Arrimaha Dibedda iyo Arrimaha Qurba-joogta ee Kenya Dr. Alfred Nganga Mutua oo ay labadaba isla soo qaadeen Iskaashiga dhinacyada Ammaanka, Diblumaasiyadda iyo deris wanaagga ee dalalka jaarka ah, Waxaa kale oo ka wada hadaleen meel marinta war-murtiyeedkii ay madaxda wadamada derisku Muqdisho ka soo saareen horraantii bishan Febraayo iyo shir heer wasiirro ah oo kulanka madaxda daba socda oo bisha soo socota ee Maarso uu wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga XFS ku martiqaaday magaalada Muqdisho wasiirrada dhiggiisa ah ee gobolka.

Waxaa kale oo Wasiir Abshir Cumar Jaamac (Huruuse) uu kulamo la yeeshay wasiirrada Arrimaha Dibedda ee dalalka Tanzania, Uganda, Algeria, Rwanda, Nigeria, Ghana, iyo Komoros oo sanadkan qabanaysa guddoonka Midowga Afrika.

Qodobada ugu muhiimsan ee wasiir Abshir uu kala hadlay Wasiirrada dhiggiisa ah waxaa ka mid ahaa.

1-inay Soomaaliya hesho taageerada wadamada Afrika ee tartanka aan ugu jirro ka mid noqoshada xubinta aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka qaramada midoobay oo dhacaysa June 2024.

2- taageerada codsiga Soomaaliya ee ka mid noqoshada Bulshada Bariga Afrika ( EAC) oon si gooni ah ugala hadlay wadamada xubnaha ka ah.

3- xaqiijinta qoondada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Midowga Afrika oon muddo dibad joog ka ahayn fursadaha shaqo iyo mashaariic ee Midowga Afrika bixiyo.

Shirkan wasiirrada Arrimaha dibadda Afrika ayaa hordhac u ah midka Madaxda Afrika oo 18 furmi doona, waxaana rajo weyn laga qabaa sanadkan inay ka soo baxaan qodobada muhiim u ah dalkeenna.

- Advertisement -