Faahfaahino ka soo baxaya dagaal ka dhacay duleedka Magaalada Boosaaso

Dagaal ayaa  la soo sheegayaa inuu xalay saqdii dhexe ka dhacay duleedka magaalada Boosaaso ee gobolka Bari kaasoo faahfaahino ay ka soo baxayaan.

Sida warku sheegayo dagaalka oo muddo kooban socday ayaa bilowday markii dagaalyahano hubeysan oo ka soo baxay Buuraha Galgala ay weerareen fariisin ciidamada Puntland ku leeyihiin degaan lagu magacaabo Sugure.

Tacshiirad iyo qaraxyo ayaa laga maqlay goobta la weeraray intii uu dagaalkan socday, kuwaasoo ay isweydaarsanayeen ciidamada Puntland iyo kooxaha soo weeraray, lamana oga weli khasaaraha nafeed ee ka dhashay weerarkan.

Al-shabaab ayaa war ay ku baahisay baraha internetka qaarkood ku sheegatay masuuliyada weerarkan, iyagoo intaa ku daray iney khasaare xoogan gaarsiiyeen ciidamada Puntland.

Saraakiisha ciidamada maamulka Puntland ayan illaa hadda ka hadlin weerarka xalay. Hase ahaatee ciidamada Puntland ayaa saaka howlgalo culus ka wada magaalada Boosaaso iyo nawaaxiga goobta xalay dagaalku ka dhacay.

Xoogaga Al-shabaab ee ku sugan buuraha Galgala ayaa horey weeraro qaarkood lagu hoobtay uga geystay degaano ka tirsan gobolka Bari iyo xaruntiisa Magaalada Boosaaso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -