Meydadka labo Wiil oo Soomaali ah oo laga soo saaray Dhismo ku dumay Dhul-gariirkii Turkiga

Dhul-gariirkii ku dhuftay dalka Turkiga ayaa galaaftay nolosha kumanaan kun oo dad ah, waxaana dadka ku dhintay dhul-gariirka ku jiray dad badan oo dalkaasi aan u dhalan oo ay ku jiraan Soomaali waxbarasho u tagtay.

Dhismayaasha ku burburay dhul-gariirka ayaa wali laga soo saarayaa dad ku dhintay, waxaana horey dhismayaasha burburay hoostooda looga soo saaray dad nool oo maalmo badan halkaasi ku jiray iyo sidoo kale kuwa kale oo dhintay.

Meydadka labo wiil oo Soomaali ah oo la la’aa  ayaa maanta laga soo saaray burburka dhismayaasha dumay hoostooda, waxaana wiilashan oo lagu kala magacaabo Liiban Cisman Diiriye iyo Cabdulkadir Cali Mataan baadigoob loogu jiray maalmo badan.

Tirada dadka la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dhul-gariirkii ku dhuftay dalalka Turkiga iyo Syria ayaa gaartay 36,187 qof, waxaana wali jira meydadka dad ku hoos jira qaar kamid ah dhismayaasha burburay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -