C/raxmaan C/shakuur oo ka hadlay Go’aanka dowladu xiriirka ugu jartay dalka Guinea

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa talaabo lagu fududaaday ku tilmaamay go’aanka Xukuumadda Federaalku xiriirka ugu jartay waddanka Guinea

Siyaasiga oo ka mid ah mucaaradka ku kacsan Madaxda dowladda Somalia ayaa sheegay in arrintani sii kala fogaynayso Soomaaliya iyo Somaliland.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraalkiisa soo dhigay bartiisa Facebook ayaa hadalkiisa ku bilaabay.

“Go’aanka Xukuumadda federaalka ahi xiriirka ugu goysay Dalka Gini oo aan weligii Soomaaliya xiriir diblomaasiyadeed la yeelan waxaa ka muuqda fudayd iyo qaangaar la’aan diblomaasiyadeed. Dawlado ay ka mid yihiin Itoobiya, Kenya & Jabuuti ayaa habmaamuus iyo soo dhoweyn maqaam sare leh horey ugu qaabilay madaxda Somaliland, xukuumadduna kama falcelin, xiriirna uma jarin. Haddaba go’aanka ay Xukuumadda Federaalka qaadatay waxaa ka muuqata;

1- Marba meel dhac aan lahayn mowqif mid ah oo sugan, maadaama falalkii diblomaasiyadeed ee kuwan la midka ahaa oo horey u dhacay laga aamusay, kana halkii ugu danbeysay looga falceliyey.

2-Go’aanku wuxuu sawir ka bixinayaa fududeyka iyo qaangaar la’aanta diblomaasiyadeed ee hoggaanka sare ee dowladda, sababtoo ah falceliska diblomaasiga ahi wuxuu leeyahay habraac marxaladaysan iyo curfi diblomaasi ah oo la maro. Xiriir jariddu waa tilaabta ugu danbeysa ee ma ahan tan laga bilaabo.

3- Go’aanku wuxuu kala durjinayaa isku soo dhowaanshaha Soomaaliya iyo Somaliland, wuxuuna fursad siinayaa inta ku hawlan kala fogeynta labada dhinac iyo in waddada wadahadalka xiranto”.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -