Col. Caare oo ciidamadiisii & hubkooda ku wareejiyey Maamulka Somaliland (Sawirro)

Col. Siciid Cawil Jaamac (Caare) oo hogaaminayey Jabhad dagaal la gashay ciidamada Somaliland ayaa Ciidamadiisii iyo hubkii ay wateen ku wareejiyey maamulka.

Munaasabad kooban oo ka dhacday buurta Daallo ee duleedka Magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag ayna goobjoog ka ahaayeen Odayaasha Dhaqanka Beeshiisa & xubno ka socday maamulka Somaliland ayaa lagu wareejiyey dhamaan ciidamadii ka amar qaadanayey iyo hubkii ay wateen, oo horeyba uga goostay Somaliland.

Talaabadan ayaa timid markii ay guuleysteen Wadahadallo bilihii la soo dhaafay ka socday deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag kuwaasoo ay ka soo shaqeeyeen waxgaradka beelaha.

Waxaa jira warar soo baxaya oo sheegaya in Col. Caare uu aadi doono dalka dibadiisa.

Sannadkii 2018-kii bartamihiisii ayuu ka goostay Ciidamada Somaliland Col. Caare, isagoo noqday sarkaalkii ugu horreeyay ee jabhad sameysta, isla markaana dagaal khasaaro geysta la gala maamulka Somaliland, wuxuuna ka careysnaa dagaal beeleedyo ku soo laab laabtey deegaanka Ceel-Afweyn iyo qaabka uu maamulka Somaliland u wajahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -