Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Cali Guudlaawe oo kulan xasaasi ah la qaatay Xildhibano ka tirsan Baarlamanka Kenya (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa caawa magaalada Nairobi casho sharaf mahadcelin ah u sameeyay qaar ka mid ah Xildhibaanada Soomaaliyeed ee ka mid ka ah Baarlamaanka Kenya.

Casho sharaftan oo ay ka soo qeyb galeen Xildhibaan Adan Keynan Weheliye, Xildhibaan Yussuf Hassan, Xildhibaan Yakub Adow, Xildhibaan Hussein weytan Abdirahman, Xildhibaan Mohamed Abdi Kheir Abdirahman, Xildhibaan Adan Haji.

Major (RTD) Dekow, Xildhibaan Abdi Omar Shuriye, Balambala, Xildhibaan Abdi Ali  Abdi, Ijara, Xildhibaan Salah Yakub, Fafi iyo Masuuliyiin kale.

Madaxweynaha ayaa xusay in si wanaagsan loogu soo dhoweeyay Magaaladaan howlihii muhiimka ahaa ee uu u yimid ay guul ugu soo dhamaadeen guul.

Madaxweynaha ayaa Xildhibaanada la wadaagay deegaanada iyo degmooyinka la xoreeyay iyo guulaha laga gaaray dagaaladii lala galay kooxda khawaarijta alshabaab isagoo adkeeyay in la dhameystirayo howlagalada lagu ciribtirayo khawaarijta.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn u mahadceliyay guud ahaan dadka soomaaliyeed ee ku nool dalkaan waxa uuna bogaadiyay ganacsiga iyo horumarka muuqda oo ay sameeyeen dalkan.

Related posts

Guddiga doorashooyinka Galmudug oo la ansixiyey & Xaliimo Yarey oo..(Sawirro)

Caydiid Ali

Qaybta 3 aad :-Qisadii cajiibka aheyd ee Nebi Ibraahim CS iyo qoomkii loo diray

admin

Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay Go’aan Xasaasi ah oo ka kooban lix qodob kaddib markii..

Cabdi Cade