Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxay ka wada hadleen Raisul Wasaaraha Somalia & danjire Per Lindgärde? (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta qaabilay Danjiraha Dowladda Sweden ee Soomaaliya Per Lindgärde.

Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Danjire Lindgärde ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ku aaddan nabadda iyo xasilloonida, waxa uuna Ra’iisul Wasaaruhu bogaadiyey garab istaagga Sweden ay u muujinayso dalkeenna.

Dhankiisa, Danjire Per Lindgärde oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahad-celiyey kulankan ayaa tilmaamay sida uu ugu faraxsan yahay wada-shaqeynta ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu soo bandhigay in dalkiisa ay ka go’an tahay xoojinta taageerada Soomaaliya, si loo xaqiijiyo nabadda iyo horumarka.

 

Related posts

Al-Shabaab oo nin 70 jir ah ku toogatay fagaare ku yaalla degmada Tayeeglow

Caydiid Ali

Qarax aad u xoogan oo goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo Rasaas la maqlayo

Cabdi Cade

Mareykanka oo ka walaacsan qorshe Halistiisa wata oo ay damacsan tahay Russia

Cabdi Cade