Maamulka Israa’iil ayaa ku wareejiyay dowlada Masar agabyo badan oo taariikhi ah oo si kontorabaan ah looga bixiyay dalka Masar, waxaana agabyadan lagu soo qabtay gudaha Israa’iil iyo goobo kale.
Agabkan oo gaaraya 95-xabo ayaa qaarkood xiliga lasoo qabanayay lagu iibinayay goobo kuyaala magaalada Qudus, dowlada Masar ayaana ka codsaday maamulka Israa’iil in agabyadan taariikhi ah dib ugu soo celiso.
Wasiirka arimaha Dibadda Israa’iil oo booqasho ku tagay magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar ayaa agabkan geeyay dalkaasi waxa uuna ku wareejiyay masuuliyiin katirsan dowlada Masar.
Agabkan dalka Masar dib loogu celiyay waxa ka mid ah waxyaabo Masaaridii hore maydka la aasi jireen oo qayb ka mid ahaa dhaqanka aaska iyo sidoo kale dhagax ay ku qorantahay fartii Hieroglyphic ee Faraacinadii hore.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com