Deni oo booqasho ku tagay degmooyinka fog ee gobolka Garfadafuu (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyay Degmada Caluula ee Gobolka Gardafuu, halkaasoo Madaxweynuhu ku tegay safar shaqo.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka Diyaaradaha ee Caluula kusoo dhoweeyay, Xubno ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Maamulka Gobolka Gardafuu, kan Degmada Caluula iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Caluula.

Deni ayaa  dhagax dhiggay Xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka, isla markaana xariga ka jaray Xafiiska Ururka Haweenka ee Gobolka Gardafuu.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa kormeeray xarumaha Hay’adaha Dowladda iyo xarumaha  Bulshada ee Degmada  Caluula, sida Xarunta Gobolka, Xarunta Degmada, Isbitaalka Guud iyo magaaladii hore ee qadiimiga ahayd ee badu ku soo fiday, wuxuuna warbixino ka dhegaystay Masuuliyiinta Dowladda ee ku shaqo leh xarumaha uu kormeeray.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa sidoo kale booqday marsada dabiiciga ah ee deegaanka Boolimoog, oo ah marso la adeegsan jiray xili hore  taasoo qorshuhu  yahay in dayactir lagu sameeyo si dhowaan ay u noqoto meel laga faaideysato  oo ay ka faaidaan dadka reer Puntland.

Madaxweynaha ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee deegaanka Boolimoog iyo xarumaha taariikhiga ah ee halkaasi ku yaalla, meeshan ma aheyn Dekadd dabiici ah oo keliya Balse waxaa ku yaallay Kayd Shidaal iyo Warshad farsameysa Kalluunka. Xaruntan oo ah mid Istiraatiji ah ayaa dhakhso loo dayactiri doonaa sida maamulku sheegay.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa booqday deegaanka Geesalay ee caanka ku ah Timirta, halkaasoo siweyn loogu soo dhoweeyay, Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhegaystay dadka deegaanka, wuxuuna Bulshada deegaanka Geesalay ku booriyay inay horumariyaan dadaalkooda wax soo saarka beeraha gaar ahaan Timirta.

Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa sidoo kale Kormeeray Khooriga Isku xira magaalooyinka Caluula iyo Bareedo, oo uu burbur soo gaaray Bundadii u dhexaysay Labada daan.

Wuxuu Madaxweynuhu warbixin ku saabsan Buundada go’day ka dhegaystay masuulinta deegaanka isagoo faray Wasaaradda Howlaha Guud in dhakhso loo soo qiimeeyo dayactirka iyo dib-u-dhiska Buundada oo Roob burburiyay.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa sidoo kale kormeeray Biyo xireenka magaalada biyaha siiyaa iyo ceelka xayra bixiye oo ah ceelka magaalada kaas oo ku yaal duleedka magaalada Caluula.

Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhegaystay Masuuliyiinta degmada iyo maamulka biyaha ee degmada.

Deni iyo wafdiga uu hoggaaminayo, ayaa sidoo kale si weyn loogu soo dhoweeyay Degmada Murcanyo ee Gobolka Gardafuu. Waxaa Soo dhoweynta Madaxweynaha ka qeybgalay Goleyaasha Dowladda, Maamulka Gobolka Gardafuu, kan Degmada Murcanyo iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu  dhagax dhigay saldhiga Booliska degmada,  waxaana uu booqday beeraha degmada waxaana uu ku dhiirigeliyey dardargelinta waxsoo saarka beeraha.

- Advertisement -