Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo casuumad ka helay dowladaha C6+ (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka  Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hoygiisa kulan kula qaatay ku-xigeenka wakiilka Xoghayaha Guud ee (QM) ee Soomaaliya marwo Anita Kiki Gbeho oo Guddoomiyaha la wadaagtay dhambaal casuummaad ah oo ay ka sidday dowladaha C6+.

Marwo Anita Kiki ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka  ugu hambalyaysay xilka loo doortay Guddoonka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur(Madoobe) ayaa  maanta kulan Muqdisho kula qaatay madaxweynihii hore ahna musharrax madaxweyne mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku soo booqday hoygiisa.

Musharrax madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu horeyn salaan iyo hambalyo la wadaagay Guddoonka Baarlamaanka 11-aad.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo musharax madaxweyne mudane Xasan  Sheekh Maxamuud waxa ay isla soo qaadeen sidii loo xoojin lahaa midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Kulanka oo ahaa mid looga hadlayey arrimaha doorashada madaxweynaha ayaa  Guddoomiyaha waxa uu hoosta ka xarriiqay sida ay uga go’an tahay in doorashada ay ku dhacdo jawi nabdoon oo wadar ogol ah.

- Advertisement -