Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxaa ka jira in Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka wadaan mooshin muddo kororsi ah?

Xildhibaano ka badan 60 oo ka tirsan Golaha Shacabka baarlamanka Somalia ayaa saxiixay mooshin lagu kordhinayo in waajibaadka Baarlamaanka Federaalka laga dhigo muddo shan sano ah.

Arrintan ayaa qeyb ka ah qorshaha muddo kororsiga sanadka ee ay horay u sameysteen Dowlad Goboleedyada dalka intooda badan sida ay sheegayaab ilo wareedyo kala duwan.

Inkastoo muddo xileedka Baarlamaanka labada Gole iyo Madaxweynaha aanu muddo sanad ah gaarin, haddana waxaa muuqata in loo sii diyaar garoobayo muddo kororsi cusub.

Muddo kororsigan halka sano ee la diyaarinayo iyo muddo kororsigii labada sano ee horay loo diiday ayaa ku kala duwan waqtiga lagu soo aadiyay, iyadoo la sugayo sida ay noqoto falcelinta lagala hortago muddo kororsigan cusub.

Madaxweyne Xassan Shiikh ayaa horey u balan-qaaday in dowladiisa aysan sameysan doonin wax muddo kororsi ah, ayna doorasho qaban doonaan dhamaadka muddo xileedkooda weli bilowga ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo iyo Beesha Caalamka oo shir Xasaasi ah uga furmay Afisiyooni

Cabdi Cade

Dowladda Soomaaliya oo digniin adag u dirtay Maraakiib iyo Shrikado Shisheeye

Cabdi Cade

Al-Shabaab oo sheegtay inuu si dirqi ah kaga badbaaday taliyaha Booliska G/Banaadir

Caydiid Ali
Taboola Ads ---