Mucaaradka Somaliland ayaa ku baaqay inay faraha kala baxaan arrinta Laascaanood gacmo shisheeye oo ay sheegeen inay ku lug leeyihiin xiisadda ka aloosan magaaladaas.
Xisbiga UCID ee uu hoggaamiyo Feysal Cali Waraabe oo War-saxaafadeed soo saaray ayaa sheegay inay ka xun yihiin xaalada colaadeed ee ka taagan Laascaanood, iyagoo soo dhaweeyay xabad-joojintii ay dhawaan ku dhawaaqday Somaliland, waxayna garaadada gobolka Sool ugu baaqeen in iyana xabad joojin kaga dhawaaqaan dhinacooda.
HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA UCID
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com