Al-Shabaab oo sheegtay inuu si dirqi ah kaga badbaaday taliyaha Booliska G/Banaadir

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda Qarax caawa ka dhacay  xaafadda Cali Kamiin oo ka tirsan degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho.

Warbaahinta ku hadasha afka kooxda Alshabaab ayaa sheegtay in Qaraxa oo loo adeegsaday Miino dhulka lagu aasay lala beegsaday kolonyo gaadiid ah oo la sheegay inuu la socday Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan (John).

Qaraxa ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoyska Cali Kamiin iyo xaafadda Laba-dhagax, waxaana ku dhintay qof shacab ah iyadoo laba kale ay ku dhaawacmeen, balse Alshabaab ayaa ku doodeysa inuu si dirqi ah uga badbaaday taliye Saadaq John, ayna waxyeelo soo gaartay gaari ka mida kolonyadii la socotay.

Saraakiisha laamaha amaanka dowlada ayaan ka hadlin weerarkan, mana jiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -