Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda Soomaaliya oo digniin adag u dirtay Maraakiib iyo Shrikado Shisheeye

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa diginin adag u dirtay dhammaan maraakiibta iyo shirkadaha shisheeye ka kalluumeysta biyaha Soomaaliya.

Digniintaan ayaa ku qotonta u hoggaansanaanta sharciga Maareynta iyo Horumarinta kalluumeysiga Soomaaliyeed, gaar ahaan qodobka 31aad ee qeexaya hababka kalluumeysi ee sharci ahaan la ogol yahay.

Wasaaradda ayaa si adag u sheegtay in aan la ogoleyn dhammaan nuucyada ama hababka Kalluumeysi ee ka hor imaanaya sharciga, haddii ay dhacaanna ay sababi karaan in tallaabooyin adag oo ka dhan ah cidda lagu helo la qaadi doono.

Waxa ay ugu baaqday wasaaradda dhammaan dhinacyada ay digniintaan ku socoto in ay qaataan mas’uuliyaddooda si loo ilaaliyo kheyraadka badaheenna islamarknaa si wax ku oolnimo leh looga faa’iideysto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Muxuu Deni kala hadlay Guddiga KMG ee Doorashooyinka Puntland?

Caydiid Ali

Maxaa sababay in dib u dhac ku yimaado markii saddexaad shirweynahii GALMUDUG iyo Dacwadda badda oo …..

admin

Markazka Abuu Hureyra oo War Galin Muhiim ah oo u haya Qurbo joogta Soomaaliyeed

Cabdi Cade
Taboola Ads ---