Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo iyo Beesha Caalamka oo shir Xasaasi ah uga furmay Afisiyooni

Waxaa xerada ciidamada Cirka ee Afisiyooni ka socda shir xasaasi ah oo u dhaxeeya Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Soomaaliya Farmaajo iyo qaar kamid ah Wakiilada Beesha caalamka ee xaruntooda tahay Xalane.

Kulanka labada dhinac u socda oo ah mid albaabada u xiran yihiin horeyna aan loo sii shaacin ayaa looga hadlayaa mudo kordhinta ay Xildhibaanada golaha shacabka u sameeyeen dowlada iyo walaaca arintaasi ka qabto beesha Caalamka.

Beesha Caalamka ayaana si adag uga soo horjeesatay go’aanka Xildhibaanada golaha shacabka waqtiga ugu kordhiyeen Madaxweynaha iyo hay’adaha kale ee Dowlada, waxa ayna beesha caalamka sheegeen in aysan taageeri doonin mudo kordhin .

Qaar kamid ah Wadamada sida weyn saameynta ugu leh Soomaaliya ayaa kasoo horjeeda mudo kordhinta Farmaajo loo sameeyay, waxa ayna dowladahaasi qaarkood ku hanjabeen in xiriirka jari doonaan sidoo kale qaadi doonaan talaabooyin kale aysan shaacin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda Somalia oo War cad ka soo saartay dilka Suxufiga Jamal Kashoqgi (Akhriso)

Caydiid Ali

Duqa Muqdisho oo kormeeray dib u dhiska Wadada Soddonka oo heer gebagebo ah maraya (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: Qaabkii ay ciidanka Milatariga usoo bandhigeen Sargaal katirsan Al Shabaab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---