Laascaanood oo xalay marti gelisay hub culus iyo dagaal saaka ka sii socda

Dagaalo culus ayaa maalintii 9aad ka sii socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool oo maalmahan ay ku hardamayeen ciidamada Somaliland iyo kuwa degaanka.

Sidoo kale, Magaalada ayaa xalay marti gelisay dagaal socday muddo labo saacadood ka badan, iyadoo hub culus lagu garaacay qeybo ka mid ah magaalada, waxaana dagaalka xalay lagu tilmaamay inuu ahaa kii ugu xumaa ee xili habeen ah ka dhaca magaaladaas.

Qaraxyo iyo rasaas goos goos ah ayaa saaka aroornimadii mar kale ka laga maqlay gudaha iyo hareeraha magaalada, iyadoo dagaalku uu mararka qaarkood kululaanayo.

Ma jiraan illaa hadda faahfaahin laga helayo dagaalka xalay iyo saaka ka dhacay magaalada, lamana oga khasaaraha ka dhashay, iyadoo labada dhinac aysan wax war ah ka soo saarin illaa hadda.

Waxaa aad u yar xogaha laga helayo gudaha magaalada Laascanood maadaama ay ka barakaceen intii badneyd dadkii ku noolaa, waxaana ku haray magaalada dad fara ku tiris ah oo iyaga laftooda aan sameyn karin dhaqdhaqaaq badan, maadaama rasaasta iyo madaafiicda ay meel walba ku dhacayaan.

Labada dhinac ayaa isku eedeynaya sii socoshada dagaalka mana muuqdaan calaamado muujinaya inuu joogsanayo dagaalka.

Ugu yaraan 90 qof ayaa illaa hadda la xaqiijiyey iney ku naf waayeen dagaalka Laascaanood halka boqolaal kale ay ku dhaawacmeen kuwaasoo u badan shacabkii magaaladaas, waxaana ku barakacay dad ka badan 100 kun qof sida ay sheegtay QM.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -