Mareykanka oo ku wareersan waxa ay yihiin Saddex walxood oo ay soo rideen?

Maraykanka ayaa sheegay inaanay illaa haatan garanaynin meesha ay ka yimaaddeen, saddex walxood oo joog sare ku duulayey oo la soo riday dhawrkii maalmood ee ugu dambeeyey, iyaga oo dul sabbaynaya hawada sare ee America.

Dawladdu waxay sheegtay in aanay rumaysnayn in walxahaasi ay ahaayeen diyaaradaha wax lagu basaaso, inkasta oo aan arrintaas si buuxda meesha looga saari karaynin.

Afhayeenka golaha amniga qaranka ee Maraykanka John Kirby ayaa u sheegay saxafiyiinta aqalka cad, in walxahani aanay u muuqanin kuwo awood u leh inay wax basaasaan, hase ahaatee aanay arrintaas meesha ka saari karaynin.

Wuxuu sheegay in haraaga walxahaasi inay ku soo dhaceen goobo aad u fogfog oo ay adag tahay in la gaadho, gaar ahaan, meelo aad u baraf badan oo ku yeella xeebaha gobolka Alaska ee Woqooyiga Galbeed ee Maraykanka, Yukon oo Canada ah iyo harada Huron oo ku taalla xuduudda Maraykanka iyo Canada.

Wasiirka difaaca ee Maraykanka ayaa sheegay inaanay ku guulaysanin inay soo saaraan haraaga walxahaasi, balse ay mudnaanta koowaad siin doonaan, sidii loo soo heli lahaa haraaga walxahaas, si aragti looga qaato waxay ahaayeen.

Kirby ayaa isagu beeniyey in saddexdan walxood uu xiriir kala dhexeeyey, buufintii ka timid Shiinaha ee Maraykanku soo riday dhowaan

Afhayeenka ayaa sheegay, in sababta walxahan, meel durugsan loogu soo riday inay ahaayeen, iyaga oo ku duulaya joog dhexe oo ah, 40,000 feet, taas oo halis gelinaysa duulimaadyada diyaaradaha madaniga ah.

Maadaama ay kooban yihiin, xogta laga hayo saddexdan walxood ee ay soo rideen diyaaradaha Maraykanku, waxaa soo batay, wararka kutiri-kuteenta ah ee sheegaya in walxahani ay yihiin, kuwo ay ku lug leeyihiin, noolayaal kale oo duni kale innaga soo booqday. Xitaa arrintaasi waxaa carrabka ku dhufatay xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad, iyada oo sheegtay inaanay jirin wax calaamad ah oo muujinaya in walxahani ay ka yimaaddeen meel ka baxsan koonkan.

Xigasho: VOA

- Advertisement -