Jabhada TPLF oo si adag u beenisay Eedeymo culus oo loo jeediyay

Jabhada TPLF ee dagaalka xoogan kula jirta ciidamada dowlada federaalka Itoobiya ayaa si kulul u beenisay eedeymo loo jeediyay oo ku aadanaa in ay boobeen keyd cunto ay laheyd Qaramada Midoobay.

Bakhaaro kuyaala magaalada Kombolcha oo gacanta ugu jirtay falaagada TPLF ayaa laga boobay kayd cunto ah oo loogu talagalay carruur ay nafaqo-xumo hayso, waxaana boobkaasi lagu eedeeyay xoogaga TPLF.

Qaramada Midoobay ayaa boobka loo geestay keydka raashinka ugu jiray kadib shaacisay in ay joojisay qeybinta raashinka, waxa ayna Qaramada Midoobay eedeesay dadkii ka dambeeyay falkaasi boobka ah.

Afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric, ayaa sheegay in boob loo geestay keyd raashin ah ay laheyd Qaramada Midoobay oo loogu tala galay in la siiyo caruurta nafaqa daro heeso.

Jabhada TPLF ayaa dhankeeda si adag u beenisay jimcihii eedeynta la xariira in xoogageeda ka dambeeyeen bililiqada loo geestay keyda raashinka, waxa ayna eedeyntaasi ku tilmaameen kuwa aan sal iyo raad laheyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -