Wasiirka amniga Hirshabelle oo ka hadlay arin ugub ah oo shalay ka dhacday Jowhar

Maamulka Hirshabelle ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay weerar lagu dilay labo qof oo shalay ka dhacay Maxkamada magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe.

Askari ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inuu labada qof ku dilay xioli ay ku socotay maxkamad.

Askariga ayaa lagu sheegay inuu ka mid yahay qoyska wiil yar oo ku dhintay webiga, dhimashadiisana la tuhmay inay ku lug lahaayeen labada nin ee maxkamadda loo waday balse la dilay intii aan dacwadooda la furin.

Wasiirka amniga Hirshabelle, Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre ayaa sheegay in askarigaas lagu raad joogo cadaaladana la marsiin doono

Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre ayaa dhacdadan ku tilmaamay mid ugub ku ah deegaanka isla markaana kedis iyo fajac ku noqotay dadka.

”Waxaa magaalada Jowhar ka dhacday dhacdo xun oo aan la filaynin inay deeganka ka dhacdo, waxaa magaalada ka dhacday in laba qof oo eedeysaneyaal ah oo maxkamadda loo sii waday kuwaasoo lagu tuhmaamayay kiis dil ah oo loo geystay canug yar uu si lama filaan ah u soo weeraray nin lagu sheegay inuu yahay qoyska wiilka yar ee la dilay,” ayuu yiri wasiirka amniga ee Hirshabeelle.

“Maxbuuska ama qofka eedaysanaha marka maxkamadda loo wado, sharciyan waxaa raaca laba askari oo boolis, ninka dilka geystayna wuxuu watay gaari ciidan ah,” ayuu yiri wasiirku mar uu ka jawaabayey sida ay ku suurta gashay inuu ninkani dilo eedaysanayaal ay ilaalo la socoto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -