Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Jabuuti oo beenisay iney wax lug ah ku leedahay dagaalka ka socda Laascaanood

Dawladda Jabuuti ayaa beenisay inay wax lug ah ku leedahay colaada iyo dagaalada ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Wasiirka Arrimaha dibadda Maxamuud Cali Yuusuf oo qoraal ku soo baahiyey bartiisa Twitterka ayaa sheegay in eedeymaha arimahaas sheegaya ay yihiin kuwo marin habaabin ah oo aan waxba ka jirin.

“Maalmihii u dambeeyey, waxa baraha bulshada dhex socday marinhabaabin ballaadhan, oo dalkayga Jabuuti lagu eedaynayay inuu ka qayb qaatay waxa Laascaanood ka socda. Waxaas oo dhami waa been la buunbuuniyey, si Jabuuti loogu diro waddamada la jaarka ah” ayuu wasiirka

Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay in Jabuuti ahaan ay dhexdhexaad ka yihiin arrimaha ka taagan gobolka Sool, aysana jirin fara gelin iyo dhinac ay la safan tahay Jabuuti.

Hadalka Wasiirka Arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa u muuqda mid looga jawaabayo bayaan ay soo saareen maalmo ka hor mucaaradka Jabuuti oo Madaxweyne Geelle ku eedeeyey inuu hub iyo saanad milateri ku taageeray maamulka Somaliland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamo katirsan dowladda oo qaab qabiil ku dagaalamay oo xabsiga la dhigay

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo arrimo ka dhan ah kooxda Al Shabaab kala hadlay Tim Trenkle (Sawirro)

Cabdi Cade

Ka dib diidmadii ka soo yeertay Midowga Afrika Farmaajo labo wado ayaa u furan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---