Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Eedeysaneyal si lama filaan ah loogu dhex dilay Maxkamadda Magaalada Jowhar

Dhacdo yaab leh ayaa maanta barqadii kaa dhacday xarunta Maxkamada magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe ka dib markii halkaas lagu dilay labo nin oo loo heystay dilka wiil yar oo saddex sano jir ahaa.

Labada eedeysane oo qorshuhu ahaa in la bilaabo dhegeysiga dacwada loo heystay ayaa markii la keenay Maxkamada waxaa rasaas ooda kaga qaaday askari la sheegay inuu dhalay wiilka yar ee la dilay.

Wararka ayaa sheegaya in askariga dilka geystay oo ay la socdaan askar saaxiibadiis ah oo gacan siinayey ay ka baxsadeen goobta.

Labada maxbuus ayaa isla goobta ku naf baxay, waxaana meydkooda ka qaaday ciidamada amaanka, iyadoo arintan oo fadeexad ku ah maamulka gobolka Sh/dhexe  si weyn looga hadal hayo Magaalada Jowhar iyo nawaaxigeeda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Agaasimaha CIA-da Mareykanka oo Muqdisho soo gaaray

Caydiid Ali

Dowladda UK oo xayirtay hantida milkiilaha kooxda Kubada cagta Chelsea

Caydiid Ali

Al Shabaab oo sheegtay in Sargaal Ciidan ku dileen Magaalada Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---