Ciidamo katirsan dowladda oo qaab qabiil ku dagaalamay oo xabsiga la dhigay

Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa xabsiga dhigay askar katirsan ciidanka Nabad Sugida  oo shalay dagaal salka ku hayay aanooyin qabiil ku dhax maray magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalka shalay ka dhacay magaalada Marka ayaa dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ciidamada dagaalamay iyo waliba dad shacab ah oo ku sugan xaafadaha lagu dagaalamay.

Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in la xiray ciidankii ku lugta lahaa dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Marka, waxa uuna xusay in aan la aqbali karin in xilligan ciidanka dowladda aanooyin qabiil isku dagaalaan.

Waxa uu sheegay afhayeenka in askarta lasoo qabtay ku xiran yihiin xarunta dambi baarista ee CID-da, waxa uuna tilmaamay in baaris kaddib askarta xiran loo gudbin doono maxkamada ciidamada qalabka sida si loo xukumo.

Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa uga digay Ciidamada inay hubkooda u adeegsadaan Aano qabiil, isla markaana ay muhiim tahay in si Nabadgalyo ah lagu wada noolaado.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -