Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ka dib diidmadii ka soo yeertay Midowga Afrika Farmaajo labo wado ayaa u furan

Wasiirkii hore ee Iskaashiga Caalamiga ah ee Somalia, Cabdiraxmaan Caynte ayaa xusay in Farmaajo hadda ay hor yaallaan 2 dookh oo qura kaddib warkii deyrada ahaa ee ka soo yeeray Midowga Afrika kaasoo ay kaga soo horjeesteen muddo kororsiga labada sano ah.

Cabdiraxmaan Caynte ayaa qoraal uu soo dhigay barrtiisa facebook  ku bilaabay sidan:

Bismillah, Mohamed Abdullahi Farmaajo muddo toddobaad gudihiis ah wuxuu ku dhacay bohoshii ugu weyneyd. Kaddib markii uu si sharci darro ah labo sano ugu dhufsaday, wuxuu damcay inuu ka dhex kalluumeysto Midowga Afrika, si loogu xalaaleeyo boollida uu dhacay.

Caawa ayay Midowga Afrika kasoo xireen albaabkaas, waxayna codkooda ku biiriyeen caalamka intiisa kale (USA, EU, UK & UN).

Laba wadiiqo oo kala daran ayaa u furan:

  1. Inuu kusii socdo dhabbaha qar iska xoornimada, sheegtana inuu yahay madaxweyne sharci ah. Taas waxaa ka dhalan doonta in isaga iyo xertiisa toos loo beegsado, cunaqabateyn iyo curyaamin kale la dul dhigo.

2. Inuu iscasilo, kaddib marka uu garowsado tabar darradiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa ka jira inuu dib u dhacay shirkii beri loo balansanaa ee madaxda DF & D/Goboleedyada?

Caydiid Ali

Netanyahu oo ka degay dal xubin ka ah Maxkamada dembiyada ICC

Caydiid Ali

(Sawirro) Nin lagu eedeeyay inuu sheegtay Nebinimo oo lagu dhex dilay Maxkamad

Caydiid Ali
Taboola Ads ---