Allbanaadir.com
NEWS

Maamulkii Somaliland ugu Magacawnaa Laascaanood oo Dadkooda la saftay kuna dhawaaqay…

Maamulka Somaliland ugu magacawnaa magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa goordhaw ku dhawaaqay in ay la safan yihiin dadkooda, waxa ayna sheegeen in magaalada kusoo duuleen ciidamo qabiil oo magaca Somaliland sheeganaya.

Duqa magaalada Laascaanood ee Somaliland iyo xildhibaanada golaha deegaanka ee magaaladaasi oo goordhaw warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in magaalada duqeyn aan kala sooc-laheyn ay ku hayaan ciidanka Somaliland.

Waxa ay sheegeen masuuliyiintan in ciidamada Somaliland hubka culus ku garaacayaan magaalada iyaga oo beegsanaya goobaha ka caagan dagaalka sida: isbitaalada, masaajida ,shirkadaha korontada iyo biyaha.

Masuuliyiintan ayaa si cad u sheegay in dagaalka ka socda magaalada Laascaanood uu u dhaxeeyo  ciidamo soo duulay oo kasoo jeeda beesha Isaaq iyo sidoo kale dadka deegaanka ee beesha Dhulbahante.

Duqa magaalada Laascaanood ee Somaliland ugu magacownaa ayaa cadeeyay in ay dagaalamayaan lana safanayaan dadkooda, waxa uuna ugu yeeray madaxweyne Muuse Biixi in ciidankiisa kala baxo deegaannada SSC.

Dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ayaa galaya waji cusub, waxaana maalmihii lasoo dhaafay soo goosanayay saraakiil iyo ciidamo markii hore la safnaa maamulka Somaliland, kuwaa oo kasoo jeeda beesha Dhulbahante.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Waa Kuma Musharaxa uu Shariif Xasan la rabo Xilka Gudoomiyaha Golaha Shacabka ?

Cabdi Cade

Madaxweyne Biixi iyo Guddiga Doorashooyinka Somaliland oo Go,aan isla gaaray

Cabdi Cade

Xildhibaano badan oo Soomaali Kenyan ah oo hal arin darteed halis ugu jira in xilkooda ku waayaan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---