Xildhibaano badan oo Soomaali Kenyan ah oo hal arin darteed halis ugu jira in xilkooda ku waayaan

Xildhibaano Soomaali Kenyan ah kana tirsan Baarlamaanka dalkaasi ayaa qarka u saaran in ay waayaan xilalkooda kadib markii lagu soo eedeeyay in aysan daacad u aheyn dalkooda Kenya ayna heestaan dhalashada wadamo kale.

Guddiga anshaxa, la-dagaalanka iyo ka hortaga musuq-maasuqa Kenya ayaa sheegay in 10 xildhibaan oo u badan Soomaalida Kenya ay ku socdaan baaritaano lagu ogaanayo in ay heestaan dhalashada dalal kale.

Madaxa Fulinta ee Guddiga anshaxa iyo la dagaalanka Musuq maasuqa, Twalib Mbarak ayaa  sheegay in guddiga uu qaadi doono tallaabo, sida xil ka qaadis lagu sameeyo Xildhibaanada heesta dhalashooyinka kale haddii dembiga lagu helo.

Xildhibaanada lagu eedeeyay in ay heestaan dhalashooyinka dalalka qarkana u saaran in xilalkooda waayaan ayaa waxaa kamid ah Aadan Barre Ducaale, Yuusuf Xasan Cabdi, Safiya Sheekh Aadan, Aadan Xaaji Cali, Maxamed Gaarane, Maxamed Daahiye iyo kuwa kale.

Sida Guddiga sheegeen Xildhibaanadan ayaa badankood heesta Baasaboorka Soomaaliga iyo kuwa reer Galbeed, waxaana Xildhibaanadan hadii lagu helo eedahan la kulmi karaan in xilka laga qaado.

Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya, Aden Barre Ducaale oo kamid ah Xildhibaanada baarista ku socoto ayaa beeniyay in uu haysto dhalashada dal kale, waxa uuna tilmaamay in arintan tahay shirqool ay wadaan koox shaqo la’aan heeso.

Guddiga la-dagaallanka Musuq maasuqa ee Kenya ee EACC, ayaa billaabay baaritaan la xiriira madaxda dowladda Kenya ee haysta dhalashada dalal kale, waxa ayna arinan khilaafsan tahay Xeerka Hoggaanminta iyo Daacadnimada ee Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -