Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Biixi iyo Guddiga Doorashooyinka Somaliland oo Go,aan isla gaaray

Madaxweynaha  Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qasriga madaxtooyada kulan kula qaatay guddida komishanka doorashooyinka  Somaliland.

Guddida Komishanka doorashooyinka  waxay madaxweynaha uga warbixiyeen hawlaha qabsoomidda doorashooyinka isku-sidkan ee golayaasha wakiillada iyo deegaanka oo ay hore u soo saareen jadwalkii diwaangelinta codbixiyeyaasha iyo doorashooyinka, iyagoo xusay inay u bandhigeen xisbiyada qaranka, waxana ay sheegeen inay ka go’an tahay sidii ay doorashooyinku ugu qabsoomi lahaayeen xilliga ay muddeeyeen.

Madaxweynaha  Somaliland, waxa uu ku bogaadiyey dedaalka ay ugu jiraan diyaarinta qabsoomidda doorashooyinka, wuxuuna ku dhiirrigeliyey inay xaqiijiyaan sidii ay doorashooyinkaasi dalka uga qabsoomi lahaayeen, isagoo ku adkeeyey inay dardar-geliyaan diyaarinta diwaangelinta codbixiyeyaasha iyo hawsha qabsoomidda doorashooyinka.

Ugu danbayn waxa kulankaas madaxweynaha iyo guddida doorashooyinka qaranku isla meel dhigeen in si wada-jira loo wajaho qabsoomidda doorashooyinka.

Related posts

Deg Deg :-Rishi Sunak ayaa loo doortay in uu noqdo Ra’iisul Wasaaraha cusub ee UK

admin

Daawo:-Wal Wal xoogan oo lasoo darsay Waalidiin badan oo kunool Muqdisho !!

Cabdi Cade

Qaramada Midoobay oo ugu baaqday Madaxda Maamul goboleedyada in ay la shaqeeyaan DF

Cabdi Cade
Taboola Ads ---