Ciidamo cusub oo Nabbad ilaalin ah oo soo gaaray magaalada Muqdisho (Sawirro)

Ciidamo cusub oo kamid noqonaya kuwa nabbad ilaalinta u jooga Soomaaliya kuna howlgalaya magaca ATMIS ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho , waxa ayna ciidankan taageero siinayaan kuwa Soomaaliya.

Ciidankan cusub ee soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa ka socda dalka Ghana, waxa ayna ciidankan oo ah booliis saldhig ka dhigan doonaan magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed.

”Unug ka tirsan Booliska Ghana  ayaa yimid Soomaaliya si ay u taageeraan hawlgallada nabad ilaalinta  ee ATMIS. Ciidanka ayaa saldhig ka dhigan doona magaalada Baydhabo ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, halkaasoo muddo sanad ah ay ku taageeri doonaan booliiska Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay ATMIS.

Ciidamo booliis ah oo ka socda waddamo kala duwan oo Afrikan ah ayaa ku sugan Soomaaliya, ciidankan ayaana inta badan booliiska Soomaaliya ka taageera dhinaca tababarada iyo aqoon kororsiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -