Waa Kuma Musharaxa uu Shariif Xasan la rabo Xilka Gudoomiyaha Golaha Shacabka ?

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa dhawaan la filayaa in ay doortaan Gudoomiye, waxaana xilkan isku soo sharaxay Xildhibaano badan oo kasoo jeeda Beesha Digil iyo Mirifle oo kursigan qoondo ahaan u leh.

Musharixiin dhoor ah ayaa ku dhawaaqay in ay u tartamayaan xilka Gudoomiyaha golaha Shacabka, waxaana Musharaxiintan ku jira qaar kamid ah Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya.

Sida aan xogta ku helnay Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa gacan weyn ka geestay cadaadiskii uu isku casilay Gudoomiyihii hore ee golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Shariif Xasan oo saameyn badan ku dhax leh Xildhibaanada laga soo doortay Koonfur Galbeed ayaa hada lagu soo waramayaa in uu jiro shaqsi gaar ah uu u rabo in laga dhigo Gudoomiyaha Golaha shacabka.

Sida aan Wararka ku helnay Shariif Xasan ayaa ku cadaadinaya Madaxtooyada Soomaaliya in ay ku taageeraan in Gudoomiyaha golaha Shacabka loogu doorto Maxamed Mursal Sheekh C/Raxmaan oo hada ah Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya.

Shariif Xasan oo saaxiib dhaw la ah Maxamed Mursal horeyna uga shaqeeyay in laga dhigo Wasiirka Gaashaandhiga ayaa markan doonaya in loo doorto Gudoomiyaha Golaha Shacabka si saameyn badan ugu yeesho Shariif Xasan dowlada Federaalka.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in wali aysan go’aansan shaqsiga ay ku taageerayaan doorashada kursigan, waxaana wararka soo baxaya sheegayaan in Madaxtooyada laga yaabo in doorashada ku taageero shaqsigan uu wato Shariif Xasan.

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya Maxamed Mursal ayaa sidoo kale aad isugu dhaw yihiin Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha, waaana shaqsiga loo badinayo in doorashada kursiga Gudoomiyaha golaha shacabka uu kusoo baxo.

Musharaxiinta kale ee saameynta leh iskuna soo taagay xilka Gudoomiyaha Golaha Shacabka waxaa ku jira Saalim Caliyoow Ibrow oo ah Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Xukuumada Soomalaiya.

Saalim Caliyow ayaa ah aqoonyahan xilal kala duwan kasoo qabtay dowladihii kala duwanaa ee dalka soo maray, waxaana hamiga Siyaasigan hoos u dhigi karta Qorshaha Madaxtooyada ku taageereyso musharax gaar ah.

Gudoonka Golaha Shacabka ayaan wali shaacin xiliga la dooranayo Gudoomiyaha golaha shacabka, waxaana hada socda abaabulo ay wadaan musharaxiinta dooneysa ku guuleesiga kursiga Gudoomiyaha golaha Shacabka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -