Allbanaadir.com
NEWS

Buundo nuuc cusub loo dhisayo oo maanta laga dhagax dhigay Muqdisho (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax dhigay Buundo loogu tala-galay fududeynta isku socodka dad-weynaha istecmaala wadada dheer ee Buulo Xuubey gaar ahaan Ardeyda wax ka barta Dugsiga Jabuuti ee Degmada Wadajir.

Dhagax-dhiga Buundada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir Mudane Xasan Jimcaale iyo Guddoomiyaha Degmada Wadajir Mudane Axmed Cabdulle, iyadoona ay noqoneyso markii ugu horeesay oo Buundo nuucaan oo loogu tala galay fududeynta isku socodka dadweynaha laga hirgeliyo Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa xusay in Maamulkiisa ay ka go’an tahay dib-u-dhiska Caasimadda iyo sidii loo fududeyn lahaa isku socodka dadweynaha iyo gawaarida istecmaala wadooyinka Magaalada Muqdisho, iyadoona Qorshaha Maamulka uu ku jiro sidii loo dhisi lahaa Buundooyin hor leh oo ku cusub Magaalada iyo dib-u-dayactirka kuwii hore u jiray.

Related posts

Al-Shabaab oo galabta mar kale shan nin ku toogatay goob fagaare ah (Magacyada)

Caydiid Ali

Qodob Farmaajo aad uga soo horjeedo oo laga yaabo in lagu bedelo Shirka Muqdisho

Cabdi Cade

Xildhibaan Khadiijo Diiriye oo ka dhawaajisay hadal Niyad jab ku riday Gudoomiye Jawaari

Cabdi Cade
Taboola Ads ---