Qodob Farmaajo aad uga soo horjeedo oo laga yaabo in lagu bedelo Shirka Muqdisho

Gollaha wadatashiga qaran ayaa la filayaa in magaalada Muqdisho ku yeeshaan kulan ay uga arinsanayaan saxitaanka doorashada muranka ku bilowday ee gollaha shacabka sidoo kale lagu soo saarayo jadwalka iyo habraaca cusub ee doorashada.

Shirka gollaha wadatashiga qaran ayaa sidoo kale laga yaabaa in lagu bedelo qodobo kamid ahaa heshiiskii 17-da sebtember , waxaana qodobadaasi kamid ah in doorashada lagu soo koobo min hal magaalo halka markii hore loogu heshiiyay min labo magaalo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa horey ugu dhagay in doorashada lagu qabto min labo magaalo, waxa uuna ujeedkiisu ahaa in doorashada Jubbaland qeyb kamid ah lagu qabto magaalada Garbahaarey si xubno isagu wato ugu soo baxaan.

Madaxda dowlad goboleedyada ayaa inta badan horey u rabin in doorashada lagu qabto min hal magaalo , hasa ahaatee Madaxda taabacsan Farmaajo ayaa ku adkeestay min labo magaalo laga dhigo si Farmaajo u qanciyaan.

Xaalado badan  oo soo kordhay ayaa madaxda maamul goboleedyada iyo Ra’isul Wasaare Rooble laga yaabaa in is bedel ku sameeyaan qodobadii lagu heshiiyay, waxaana hadii doorashada lagu soo koobo min hal magaalo halis galin kartaa damacii Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa horey isugu dayay fashilinta shirkan hasa ahaatee beesha caalamka aya aku cadaadisay madaxda dowlad goboleedyada in ay shirka ka qeyb galaan lagana soo saaro qodobo soorashada lagu saxayo laguna dedejinayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -