Allbanaadir.com
NEWS

Soomaaliya iyo Sudan oo kawada hadlay arrimo ay kamid yihiin caqabado lacageed oo taagan (Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Ali Haji Adam oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Suudaan ayaa la kulmay dhigiisa dalka Suudaan Dr. Haytham Mohamed Ibrahim.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah oo qaatey saacado badan laguna gorfeeyey xoojinta xiriiraka iyo horumarinta qeybaha Caafimaadka dalalka Soomaaliya iyo Suudaan iyadoona madasha ay kasoo baxeen qodobadan muhiimka ah ee hoos ku xusuan.

1.In la xoojiyo wada shaqeynta iyo iskaashiga labada Wasaaraddood
2.in la xaliyo caqabadaha ka taagan lacagta lagu soo rogay Ardayda Soomaaliyeed ee ku guda jirta sanadka u danbeeya ee waxbarashada Caafimaadka( Internship)
3.in Soomaaliya laga tageero dhinacyada dhisidda iyo xoojinta qaybaha kala duwan ee ay ka koobantahay Wasaaradda
4.In Wasaaradda Caafimaadka dalka Suudaan ay usoo dirto Soomaaliya dhaqaatiir ka fulisa qaliimada kala duwan
5.In Soomaaliya laga taageero tababarada Shaqaalaha Caafimaadka qaybahooda kala duwan
6.In Hey’addaha Caafimaadka dalka Suudaan ay ka qayb qaataan dhismaha iyo xoojinta Hey’adaha Caafimaadka Soomaaliya, sida dhisidda golaha sare ee taqasusiga Caafimaadka, xoojinta iyo dardar gellinta shaqada goloha Mihnadlayaasha Caafimaadka iyo dhamaystirka hey’adda Qaranka ee nidaam usamaynta Dawada.

Golaha sare ee Mihnadlayaasha Caafimaadka dalka Suudaan oo la aasaasay Sanadkii 1955 ayaa Guddoomiyahoodu aqbalay in booqasho rasmi ah uu ku iman doono Soomaaliya si golahaasi ay gacan uga geystaan tayeynta iyo howlgalinta qeybta Caafimaadka ee Soomaaliya.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an xoojinta iyo horumarinta Caafimaadka Dalkeena si Muwaadiniinta Soomaaliyeed ay u hellaan adeeg Caafimaad oo tayo sare leh isla markaana la gaarsiiyo goob kasto oo ka mid ah Dalkeena.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Daawo Sawirro) Qalbi Dhagax oo caawa si diiran loogu soo dhoweeyey magaalada Nairobi

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo loogu baaqay inuu xabsiga dhigo Axmed Madoobe

Caydiid Ali

Jubbaland oo dacwad ka dhan ah DF u dirtay Beesha caalamka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---