Allbanaadir.com
NEWS

Al-Shabaab oo galabta mar kale shan nin ku toogatay goob fagaare ah (Magacyada)

Fagaare ku yaalla degmada Saakow ee gobolka Jubbada dhexe ayaa maanta gelinkii dambe waxaa kooxda Al-shabaab ay ku toogatay shan nin oo basaasnimo lagu eedeeyey.

Qaadiga Maxkamadda al-shabaab oo boqolaal qof ka hor akhrinayay xukunka ayaa sheegay in shanta Nin ee la toogtay ay u shaqeynayeen sirdoonnada Dowladda Kenya iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Al-Shabaab waxay sheegtay in dhammaan Ragga maanta lagu dilay degmada Saakoow ay qirteen dambiyada lagu soo eedeeyay ee ah inay basaasiin ahaayeen, waxaana magacyadooda lagu sheegay sidan:-

1-Cabdiraxmaan Xuseen Max’ed

2-Haaruun Cabdiraxmaan Cumar

3-Caliyow Jiinow Nuur

4-Max’ed Yuunis Madkeer

5-Cabdishakuur Xasan Xuseen.

Maalin ka hor ayay aheyd markii sidaan oo kale Xarakada Al Shabaab ay magaalada Jilib ugu dishay illaa 5 ruux oo ay ku eedeysay in ay u basaasayeen sirdoonnada dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalka u dhaxeeya Ciidamada Ukraine iyo kuwa Ruushka

Cabdi Cade

Laftagareen oo jawaab kulul siiyey Musharaxiinta shirku uga socdo Muqdisho

Caydiid Ali

Diyaarada Itoobiyan Airlines oo markii ugu horeesay ka degtay Garawe (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---