Xildhibaan Khadiijo Diiriye oo ka dhawaajisay hadal Niyad jab ku riday Gudoomiye Jawaari

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta shir ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ayaa cadaadiska kusii kordhiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka ee mooshinka kalsooni kala noqoshada laga gudbiyay.

Xildhibaanadan oo u badan Siyaasiyiin caan ah iyo Wasiiro katirsan Xukuumada Soomaaliya ayaa difaacay mooshinka ay ka gudbiyeen Gudoomiyaha Baralamaanka, waxa ayna Xildhibaanadan ugu baaqeen Jawaari kahor inta aan xilka laga qaadin in uu is casilo.

Khadiijo Maxamed Diiriye oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka sidoo kale ah Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ayaa sheegtay in mooshinka ka yaala Jawaari uu yahay mid sharci ah, waxa ayna meesha ka saartay in Xildhibaanada mooshinka saxiixay ay yar yihiin.

Waxa ay sheegtay Xildhibaanada in ay isku kalsoonyihiin ayna aaminsan tahay in 15 maalin gudahood Soomaaliya yeelan doonto Gudoomiye Baarlamaanka, waxa ayna meesha ka saartay in Jawaari uu sii ahaanayo Gudoomiyaha Baarlamaanka.

“Xaqiiqdii 184 xildhibaan hadii uu mooshinkan gaari waayo Jawaari waa gudoomiyaha Golaha Shacabka,laakin hadii uu gaaro waa wax cad Jawaari waa baxay ,waxana idin sheegayaa in mudo 15 cisho ah gudahood ay ku soo dooran doono Gudoomiye Baarlamaan ayay tiri xildhibaan Khadiijo Maxamed diiriye”

Xildhibaanada ayaa sidoo kale ku eedeesay Guddiga Joogtada  ee Golaha shacabka in ay hareer mareen sharciga u degsan ayna kulan qaateen sida ay tilmaantay  xili ay Baarlamaanka kulankiisa furan yahay ayna shaqeenayaan.

Baarlamaanka Federaalkka Soomaaliya ayaa u kala jabay labo garab , waxaana hada sii xoogeesanaya Xildhibaanada Mooshinka saxiixay Siyaasad ahaana kasoo horjeeda Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -