Hormuud Salaam Foundation oo $100,000 ugu deeqdey ganacsatadii ku hanti beeshay dabkii Bakaaraha (Sawirro)

Hay’adda Hormuud Salaam Foundation oo ah garabka Gargaarka iyo horumarinta u qaabilsan shirkadda Hormuud iyo Salaam Somali Bank ayaa iyada oo ka jawaabeysa Codsi uga yimid guddiga gurmadka suuqa Bakaaraha ku wareejisay deeq lacageed oo gaareysa $100,000, taas oo ay ugu talo gashay dadkii ku hanti beelay dabkii dhamaadkii bishii tagtay ee Janaayo ka kacay suuqa Bakaaraha.

Gudoomiyaha Hay’ada Hormuud Salaam Foundation Cabdullahi Nuur Cusman, oo ugu horeyn goobta ka hadlay ayaa uga mahad celiyey guddiga ka kooban culimada iyo ganacsatada ee u isutaagay in ay dhaqaale u aruuriyaan ganacsatadii ku hanti beeshay dabkii ka kacay Suuqa Bakaaraha. Gudoomiye Cabdulaahi ay ayaa yiri “Tani waxa ay qeyb ka tahay barnaamijyada Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay ku caawinayso dadka Soomaaliyeed ee ay la soo gudboonaadaan xaaladaha adag.”

Gudoomiyaha Suuqa Bakaaraha Xasan Mire Dhiif, oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegey in ganacsatada ku hanti beeshay dabkaas aay ahaayeen intii ugu nugleyd ganacsatada xoogsatada ah, ayna ka kooban yihiin ilaa 420 qofood oo u badan, harqaanleyaal, bacadleyaal iyo dadkii ka ganacsanayey ganacsiyada yar yar, kuwaasoo aanan hada heeysanin wax ay siiyaan reerahoodi, una baahan garab istaag buuxa.

Gudoomiye Dhiif ayaa intaasi raaciyey in deeqdan lacageed ay tahay tii ugu badneyn uguna horeysay ee guddiga soo gaarta tan iyo markii ay bilaabeen dhaqaalo uruurinta, isagoo dhanka kale aad uga mahad celiyey Hormuud Salaam Foundation is garab taaga ganacsatadii ku hanti belay dabka.

Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ayaa aalaba door weyn ka qaadata howlaha gurmadka deg deg ah ee loo fidinaayo dadka soomaaliyeed iyadoo lagu xusuusto kaalmooyin muuqda oo ay ka qaadatay dhibaatooyin badan oo soo wajahay shacabka sida gurmadka abaaraha, fatahaadaha iyo dhacdooyin kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -