Buufinkii Basaaska looga shakiyay oo la qarxiyay iyo Madaxweyne Joe Biden oo ka hadlay

Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa bogaadiyey ciidanka Maraykanka oo Sabtidii shalay ahayd ku guuleystay inay buufinkii Basaaska ee Shiinaha ku soo ridaan Xeebaha bariga dalkaasi.

Madaxweyne Biden oo Suxufiyiinta kula hadlay Gobalka Maryland ayuu ku yiri: “Waad ku guuleysteen inay soo ridaan buufinka basaaska, waxaan doonayaa inaan bogaadiyo oo amaano duuliyayaasheena fuliyey hawlgalkaasi.

Waxa kale oo uu Madaxweyne Joe Biden sheegay inuu bixiyey amarka ay saraakiisha ku toogteen buufinkan dowladda Shiinaha ee looga shakiyey hawlo basaadnimo

Joe Biden waxa uu tilmaamay inay Milliteriga ku guuleysteen inay dhulka soo dhigeen balloonkaasi, oo lagu arkay hawada qeybo kamis ah gobolada dalka Mareykanka.

Dhanka kale, Warbaahinta dalkaasi iyo kuwa Caalamka ayaa toos u baahiyey markii ay diyaaradaha dagaalka Maraykanka ay buufinka basaaska ku dul burburiyeen xeebta Badweynta Atlantic.

Warbixin ay Waaxda Difaaca Maraykanka ee The Pentagon soo saartay waxay ku sheegtay in buufinkaadi oo maalmihii la soo dhaafay u dul heehaabayey hawada sare ee Maraykanka ujeedo la xiriirta Hawlo Basaasnimo.

Dowladda Shiinaha oo lahayd buufinkaasi weli kama aysan hadlin burburka loo geystay buufinkaasi oo horey loo sheegay inuusan ahayn mid basaase ah, balse uu yahay mid ku hawlan arrimo la xiriirta cimilada.

W/T Ustaad Nuradin

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -