Wasaaradda arrimaha gudaha oo ka mahadcelisay Kalsooni ay siiyeen Siyaasiyiinta KG

Wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka xukuumadda Soomaaliya ayaa loo xil saaray dhaqangelinta heshiiskii xalay magaalada Baydhabo kuwada gaareen madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee kasoo horjeeday.

”Dhammaan guddoomiyaha guddiga dibu-heshiisiinta, Madaxweynaha Dolwad Goboleedka Koonfur Galbeed, siyaasiyiinta ku midoobey dalladaha; Midowga Musharixiinta iyo Madasha Samata-bixinta Koonfur Galbeed Soomaaliya waxa ay isku raaceen in Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dibu-heshiisiinta ay dhaqan galineyso Heshiiska qodobada kor ku xusan” ayaa lagu yiri war-murtiyeedkii laga soo saaray shirkii Baydhabo.

Wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka ayaa dhankeeda si weyn usoo dhaweesay heshiiska laga gaaray khilaafkii siyaasadeed ee ka taagnaa Koonfur Galbeed, waxa ay sidoo kale wasaaradda ka mahadcelisay kalsoonida loogu dhiibay dhaqangelinta heshiiska.

”Wasaaradda Arrimaha Guduha waxay ka mahadcelinaysaa kalsoonida dhinacyada kala duwan ay siiyeen iyo in ay isku raaceen in wasaaradda Arrrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiinta ay dhaqangeliso qodobada heshiiska, ayadoo wasaaradda u gudan doonta hawlaheeda si hufan oo mas’uuliyadi ku jirto” ayaa lagu yiri qoraalka.

Nuxurka heshiiskii lagu gaaray magaalada Baydhabo ayaa dhigayay in madaxweyne Laftagareen loo ogolaado in sannad dheeraad ah xilka sii hayo ,lana diyaariyo doorashada inta aan la gaarin sannadka dambe ee 2024-ka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -