Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir Axmed Xasan oo Kulan miro dhal ah la qaatay Sasirit Tangulrat

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa kulan mira-dhal ah la qaatay Marwo Sasirit Tangulrat oo ah Danjiraha cusub ee dowladda Thailand u fadhin doonta dalkeenna Soomaaliya.

Wasiirka iyo danjiraha ayaa ka wadahadlay kaalinta kaga aadan xoojinta iyo hagaajinta xiriirka laba dal, iskaashi ku saabsan la dagaalanka Kalluumeysiga sharci darrida ah iyo tageero farsamo oo dhinaca horumarinta Kalluumeysiga ah.

Kulankan oo ah kii ugu horeeyey ee dhexmara wasiirka iyo danjiraha ayaa is faham ku soo dhammaaday, waxaana lagu ballamay iyo sida wadajir ah looga shaqeeyo dhammaan arrimaha laga wadahadlay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dagaal ka socda qeybo ka mid ah Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Qashin lagu shubo badda Soomaaliya iyo DFS oo amar cusub bixisay

Cabdi Cade

Xubin ka tirsanaa koox dil geysatay oo lagu soo bandhigay Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---