Yaa qaadanaya Masuuliyada Gubashada Suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha ?

Sidaan wada ogsoonahay mudooyinki ugu dambeeyay waxa soo noqnoqonaya gubashada suuqa Bakaaraha , ma ahan arrin sahlan waayo markuu qasaaruhu ugu yaraado waxaa ku basbeela aduun aan ka yareeyn hal malyan oo dollar, waxaa suuqa ka baxa oo ku xoola beela ganacsato heer dhexe iyo heer hoose isugu jirta kuwaas oo nolol dheer ay kusoo qaadatay ineey soo gaaraan heerkaas ganacsi ee ay joogeen kahor qasaarihi dhacay, mararka qaar naftooda ayay ku waayaan ayaga oo isku dayaya ineey wax uun ka ceeyn sadaan dabkaas aan waxba reebeeyn.

Hadaba  aqristoow dalku doowlad ayuu leeyahay, gobolkuna maamul ilaa heer degmo iyo heer waax ah ayuu leeyahay, ganacsatadana waxaa maamulku ka qaadaa ama ay wasaarada maaliyaddu ka qaadaa canshuur canshuurtaas oo ay ka ratibmeeyso in ganacsadaha huudheeyda iibiniya uu helo xuquuq ugu yaraan ah in hantidiisu u nabad gasho maadaama uu waajibki (canshuurta)  nidaamka ama maamulka jira uu gutay.

Marki aan isku raacno in ay waajib ku tahay ganacsatada bixinta canshuuraha dalka isla markaasna aan isla garano in dhanka kale ee dowladda ama maamulka gobolkana ay waajib ku tahay ilaalinta hantida ummadda waxaa soo baxaya su’aal ah xagee ayuu dayacu ka jiraa? Maxaa sababaya dhibaatadan culeeska badan.

Hal jawaab ayay shacabku kusiinayaan oo ah in dabka ay sababaan xargaha korontadu?
Hadaba yaa qaadaya masuuliyadda xargahaas dad iyo duunyaba halakeeyay? Yeey tahay ineey la xisaabtanto shirkadaha dhiiba korontada? Yaa la rabaa ineey baaraan in shirkaduhu ay leeyihiin adeeg sax ah oo aysan isticmaaleen xargo aad u taya hooseeya jawaabta saxda ah ee qalbiga saliimka ah uu keenayo waxay tahay dowladda ayaa laga doonayaa gaar ahaan wasaaradda tamartu ineey la xisaabtanto shirkadaha korontada bixiya isla markaana ay waajib uga dhigto ineey la yimaadaan xargo tayadoodu sareeyso iyo adeeg amnigiisu sugan yahay waayo caalamka hada aan joogno waxaa la gaaray in korontadu marka uu shock ama qalqal ku yimaado ineey is damiso halkii ay dad iyo duunyo galaafan leheeyd.

Ugu dambeeys waxaan shirkadaha korontada bixiya usoo jeedinayaa ineey Alle ka baqaan oo ayadoo awalba adeeg liita oo qiimihisu sarreeyo dhiibaya ineeysan hadana dadka Soomaaliyeed dhoowr biloodba mar ceeyrteeyaan oo ay la yimaadaan adeeg nadiif ah oo teknolojiyad ku shaqeeynaya sidoo kale gudoomiye Yariisow waa inuu gutaa waajibkiisa ah in dadku helaan koronto amnigeedu sugan yahay qiimheeduna yaryahay.

W/Q Abdulkadir Sooyaal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -