Taliye ku-xigeenkii ciidanka Haramcad iyo ciidamo u wato oo ka goostay DF

Taliye ku-xigeenkii ciidanka Booliiska Haramcad Muumin Ciise Max’uud iyo ciidamo uu wato ayaa galabta ka goostay dowladda federaalka.

Sarkaalkan iyo ciidamadiisa ayaa ku biiray ciidanka taabacsan Mucaaradka ee la baxay Badbaado Qaran gaar ahaan kuwa fadhiyo aaga Mirinaayo.

Muumin Ciise Max’uud ayaa la goostay ciidamo iyo gaadiid dagaal, sida uu xaqiijiyay Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan siyaasiyiinta Mucaaradka.

“Captan Muumin oo ah Sargaalkii ugu miisaanka cuslaa Ciidanka Haramacad iyo ciidamo uu wato ayaa galabta ku soo biiray Ciidanka Badbaado Qaran,” ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa facebook.

Saraakiil ka tirsan booliska Soomaaliya iyo ciidamo ay wataan ayaa ugu biiray ciidanka siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Badbaado Qaran, kuwaasoo ka soo horjeeday muddo kororsigii Farmaajo ka hor inta aan laga laaban maalmo ka hor.

Ciidanka Haramcad oo lagu tababaray saldhiga Turkigu ku leeyahay Muqdisho ayaa ka mid ah ciidamada uguy tayada wanaagsan DF inkastoo si weyn loogu adeegsaday weerarada ka dhanka ah siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Farmaajo.

Dad badan ayaa isweydiinaya sababta keentay in ciidamada ay sii wadaan iney ku biiraan mucaaradka maadaama laga laabtay muddo kororsigii keenay gadoodka, Xukuumadana loo xilsaaray iney qabato doorasho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -