Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Erdogan oo niyada u qaboojiyay Finland Niyad jab cusubna ku riday Sweden

Dowladaha Sweden iyo Finland ayaa sugaya ogGolaanshaha dowladda Turkiga si ay ugu biiraan gaashaanbuurta NATO, waxaana labadaasi dal Turkiga horey ugu xiray shuruudo adag si uu u taageero ku biiristooda NATO.

Waxaa hadda sii dhimanaya rejada laga qabo in Sweden ku biirto NATO, halka dalka ay dariska yihiin ee Finland ku dhaw yahay in loo oggolaado ku biirista gaashaanbuurta NATO, kaddib markii ay kasoo baxeen shuruudo Turkiga ku xiray.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa sheegay in dalkiisa suurto gal tahay in codka ku biirista NATO siiyo dalka Finland, waxa uuna tilmaamay in dhinaca aysan xilligan suurto gal aheyn in Sweden u oggolaadaan in NATO xubin ka noqdaan.

Erdogan ayaa sheegay in dalka Finland muujisay biseyl siyaasadeed iyo dabacsanaan, waxa uuna xusay in dhinaca kale dalka Sweden qaaday tallaabooyin uga sii daray xaalada gaarsiisayna heer quus ah.

“Waa suuragal in Turkiga uu Finland u ogolaado ku biirista isbaheysiga NATO balse Sweden marnaba lagama yaabo in ay hesho codka ku biirista isbaheysigaas oo nagu xiran” ayuu yiri Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan.

Dowladda Turkiga ayaa si weyn uga carrootay tallaabadii dowladda Sweden ku oggolaatay in safaaradeeda horteeda loogu gubo kutaabka Qur’aanka Kariimka , waxa ayna tallaabadan god ku riday rejadii Sweden aheyn in ay ku biirto NATO.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Weriye Abuuja oo Maxkamad la soo taagay & cadeymo loo waayey dil lagu eedeeyey

Caydiid Ali

Silica, rafaadka & Musuqa ka taagan Waaxda dad dhigista dowlada hoose ee Xamar

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay Banaan baxyo rabshado wata oo laga cabsi qabo in Muqdisho ka dhacaan iyo ciidamo badan oo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---