Silica, rafaadka & Musuqa ka taagan Waaxda dad dhigista dowlada hoose ee Xamar

Warar naxdin iyo dhiilo xambaarsan ayaa ka soo yeeraya qaabka ay u shaqeyso xarunta dad dhigista dowlada hoose ee Xamar, iyadoo ay sii kordheyso cabashada shacabku ku qabaan mashaqada ka taagan xarubntaas oo noqotay mid uurkutaalo leh.

Maalin walba waxaa halkaas buux dhaafiya dad fara badan oo daneynaya iney ka qaataan warqadda sugnaanta iyo dhalashada, taasoo ay bixiso waaxda dad dhigidda ee dowladda hoose.

Helitaanka warqaddaasi ayaa muhiim u ah si aad u hesho adeegyo badan oo ay dowladdu bixiso sida Passportka, shahaadooyinka ardayda iyo adeegyo kale oo ay bixiyaan hay’adaha gaarka ah, ama shirkadaha.

Balse helitaanka warqadaas ayaa noqotay mid muwaadiniinta Soomaaliyeed ay u maraan waddo silic iyo rafaad badan, waxaana jira Musuq-maasuq aan geed loogu soo gaban oo howlihii xaruntaas hareeyey, iyadoo dadka adeegyada u doonta ay ku waramayaan qaarkood in la weydiisto lacago laaluush ah si howlahooda loogu fududeeyo.

Mar aan xaruntaas booqanay ayaanu kula kulanay dad fara badan oo qoraxdda tubnaa qaarkood waxay inoo sheegeen in dhowr Todobaad ay halkaan ku soo laalaabanayeen, aysana jirin wax loo qabtay, ayna buuxiyeen dhamaan shuruudihii looga baahnaa sida qarashaadka iwm.

Dadkan oo wejiyadooda ay ka muuqatay, diif iyo daal fara badan ayaa qaarkood waxay sheegeen iney ka yimaadeen gobollada u dhow magaalada Muqdisho.

“Waxaan imid Sabtidii lasoo dhaafay, maantana waxaan joognaa Khamiis welina warqadihii ma helin, meesha waxa jira ma naqaanno, waxaa la iga qaaday 15 dollar, hadana waxay na dhaheen Sabtida soo laabto, Sideed maalin ayaan joognaa, meesha qoraxaa nagu dishay, lacagtii bas raac ayay iiga dhamaatay, maalin walba sii soco soo laabo waa rafaaday, mana garanayo wax aan sameeyo” ayuu yiri Xasan Nuur oo ka mid ahaa dadka halkaas tubnaa oo rajo xumo iyo quus muujinayey.

Macluumaad hoose oo ay heleyso allbanaadir Online ayaa sheegaya in qaar ka mid ah howlwadeenada xaruntaas ay si ula kac ah dadka ugu silciyaan iney helaan warqadaha aqoonsiga si loogu qasbo iney laaluush dheeri ah bixiyaan.

“Waxaan soo laabanayey wax ku dhow todobaad, qoraxdaan aad u jeedo ayaa feel nalagu geliyaa maalin kasta, wax naloo qabtay lama arko, sida loo taagnaa ayaa la leeyahay hadhow soo laabo, beri hala yimaado, markaan nimaadno berina meesheedii bay taagan tahay” ayuu yiri mid ka mid ah dad xaruntaas ku sugnaa oo madaxda dowlada ugu baaqay iney wax ka qabtaan dhibaatada shacabka lagu hayo.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar filish ayaa todobaadkii hore booqday xarunta dad dhigista dowlada hoose ka dib markii ay gaartay cabashada halkaas ka taagan.

Cumar Filish ayaa wareystay dadkii shacabka ahaa ee goobtaas adeegyada u doontay, iyagoo uga waramay dhibaatada halkaas ka taagan iyo sida ay ula dhaqmaan shaqaalaha xaruntaas ku sugan, waxaana la sheegay in gudoomiyuhu uu halkaas isaga tegay, iyadoo illaa hadda aysan jirin wax laga qabtay dhibaatada halkaas ka jirta.

Dadka u kuurgala arrimaha Maamulka ayaa sheegaya ineysan macquul aheyn in magaalo ay ku nool yihiin dad gaaraya sadex milyan ay yeelato hal xarun oo laga qaato warqadaha dhalashada, waxayna ku taliyeen in xalka kaliya ee dhibaatada noocan ah looga gudbi karo uu yahay in degmooyinka lagu baahiyo xarumahan, ama ugu yaraan la sameeyo dhowr xarumood oo adeegyadan laga heli karo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -