Sidee dowladda ka yeeleysaa Malaayiinta Dollar ee Al shabaab laga xayiray?

Dowladda uu hogaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dagaal toos ah oo cirka iyo dhulka ah ku qaaday kooxda  Al shabaab oo sannado badan aan la kulmin iskacaabin sidan u abaabulan.

Dagaalka ayaa horseeday guulo waa weyn sida in lagala wareegay magaalooyin badan iyo degmooyin ay ka talinayeen 15 sano.

Waxaa sidoo kale dagaalka lagu qaaday Shabaab qeyb ka ah in lagala dagaalamay dhanka Maaliyadda islamarkaana la xayiray 250  akoon oo ay ku leeyihiin bankiyo ku yaala Soomaaliya, kuwaa oo dadka ganacsatada xoolahooda  inta si sharci darro ah ugu qaadaan kadibna ay ku gumaadi jireen.

Madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya Xasan Sheikh maxamuud ayaa sheegay in lasoo bandhigidoono malaayiin dollar oo Alshabaab ugu xaraysnaa akoono maaliyadeed oo ay dowladdu xirtay.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa sheegay arrintaan inay qeyb ka tahay dagaalka dowladda kula jirto Alshabaab oo uu sheegay inuu yahay mid ficil ah.

“Dowladdu mar dhow way soo bandhigi doontaa xisaabaad badan oo Shabaab Bangiyada loogu arurin jiray kuwaas oo la xiray. Taleefoono badan oo lacagaha la isugu xawili jirayna waala xiray,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuuud mar uu shacabka kula hadlayay Garoonka Eng Yariisow.

Dhanka kale Ra’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa isna sheegay in hadda wadashaqeyn fiican ay kala dhaxeyso ganacsatada iyo dowladda islamarkaana lala socdo oo ganacsatada ay soo gudbiyaan Bankiyada Al shabaab ay ku amraan in lacagta la dhigo iyo akoonada ay leeyihiiin Al Shabaab.

Waxa uu Ra’isul Wasaaraha sheegay in ganacsatada loo celin doono lacagtooda gaar ahaan kuwa  soo sheegaya marka ay shabaab soo wacaan islamarkaana lagu amro in akoon ay ku shubaan.

“  Lacagaha la xiray waa la baarayaa, Taleefoono ayaa loo qeybiyay shacabka Soomaaliyeed, markey shabaab soo wacaan waxey  ku leeyihiin lacagtaas dir meeshaas dhig, , dowladda ayuu qofka soo wacayaa wuxuu leeyahay sidaas ayaa la yiri meeshaas ayaana dhigayaa akoonkaas ayaan ku shubayaa, sababtoo ah dadkii hadda dowladda waa aamineen waxaana la leeyahay meesha dhig lacagtaadana waa laguu soo celinaa, sidaas ayaana  lagu xiraa akoonada Khawaarijta” ayuu yiri Ra’isul Wasaare Xamse

Ra’isul Wasaaraha ayaa sheegay in la baari doono lacagaha iyadoo dadkii usoo sheegay dowladdana lacagahooda lasiin doono, waxaana uu xusay in lacagaha kalena ilaa amar dambe iney meeshooda ku jiri doonaan.

Alshabaab ayey u muuqatay inay si weyn u  saameeysay xayiraada dowladdu ku sameysay dhaqaalaha u yaala bangiyada waxaana afayeenkooda uu eedeyn u jeediyay  bangiyada in aysan ilaalin karin lacagaha ammaanada ku ah taa oo u muuqata cabsi gelin iyo iska hor keened shacabka iyo Bankiyada dalka.

W/Q: Ahmed Abdirisaq

Geneva- switzerland

Loyalyare12@gmail.com

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -