Weriye Abuuja oo Maxkamad la soo taagay & cadeymo loo waayey dil lagu eedeeyey

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa bilowday dhegeysiga weriye Maxamed Cabdiwahaab Nuur (Abuuja) oo muddo 5 Bilood ah u xirnaa Hay’adda Nabadsugidda ee NISA.

Abuuja ayaa lagu soo oogay dacwad la xiriirta dil loo geystay haweeney la oran jiray Baxsaney Cabdi bishii Maarso ee sanadkan, iyadoo Hay’adda NISA ay lix marqaati kiiskaasi u diyaarisay, kuwaasoo dhammaantood ka hor cadeeyey inaysan waxba kala socon kiiskan, aysana cadeyn karin in Abuuja uu ku lug lahaa dilkaas.

Weriye Abuuja ayaa ka hor sheegay Maxkamadda in denbiga loo heysto uu yahay been abuur lagu masabitay, wuxuuna maxkamadda ka codsaday in lagu xukumo haddii uu denbi galay, haddii kale uu cadaalad helo oo xoriyadiisa loo celiyo.

Marqaatiyaasha NISA soo diyaarisay midkood ayaa Maxkamadda ka hor sheegay inuusan u dhaaraneynin wax uusan arkin, isla markaana aanu waxba kala socon kiiskan, laakiin xeer ilaalinta maxkamadda ayaa ku adkeysatay inuu denbigaasi galay Weriyaha, iyadoo aan cadeyn buuxda soo bandhigin.

Ixda marqaati ee la filayey inay denbiga ku caddeeyaan weriyaha ayaa iska diiday inay wax ka ogyihiin dembiga lagu soo eedeeyey, iyadoo qof ka mid ahna uu maxkamada ka sheegay hadalo isburinaya.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo soo xiray fadhiga maanta ayaa sheegay in Go’aanka Maxkamadda ay dib ka soo shaacin doonaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -