Allbanaadir.com
NEWS

Kooxo hubeysan oo caawa weerar culus ka geystay saldhig ku yaalla Muqdisho

Dabley hubeysan ayaa caawa weerar qaraxyo ah ku qaaday saldhiga Booliska degmada H/wadaag ee magaalada Muqdisho.

Illaa labo qarax ayaa laga maqlay caawa agagaarka saldhiga Booliska H/wadaag, waxaana xigay tacshiirad xoogan oo ay fureen ciidamada amaanka.

Qaraxyada oo ahaa kuwo xoogan ayaa wararka qaarkood waxay sheegayaan iney ahaayeen bambooyinka gacanta, halka warar kalena sheegayaan iney ahaayeen qoriga RBG ee Soomaalidu u taqaano baasuukaha.

Lama oga illa hadda khasaaraha ka dhashay Qaraxyadan hase ahaatee wararka na soo gaaraya ayaa sheegaya in aaga saldhiga H/wadaag ay howlgalo ka wadaan ciidamada Booliska.

Laamaha amaanka DF iyo Al-shabaab midkoodna kama hadlin weerarkan oo noociisa aan muddooyinkan looga baran magalada Muqdisho.

 

Related posts

Xogta kulan dhexmaray RW Ku-xigeenka DF & Wasiirka arrimaha dibeda Turkiga (Sawirro)

Caydiid Ali

War Cusub oo kasoo kordhay Weerarkii Hotel Afrik iyo Janan oo sir culus banaanka keenay

Cabdi Cade

Dokumenti xasaasi ah oo lagu wareejiyey Guddiga la socodka Dastuurka BFS (Sawirro)

Caydiid Ali