Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Nin la ogaaday inuu ku dhowaad Sodon sano u xirna dambi uusan gelin (Daawo Sawirro)

Nin Mareykan ayaa la ogaaday inuu qiyaastii 28 sano ku jiray xabsiga wuxuuna mar walba dafiri jiray in uu gaystay dilka lagu xukumay hadda ayaase waqtigaas dheer ka dib lagu waayey wixii loo heystay .

Lamar Johnson oo 50 jir ah ayaa isagoo xor ah ka soo baxay maxkamad ku taalla St. Louis oo Mareykanka ah ka dib go’aan uu garsooraha Maxkamaddas soo saaray .

Xaakimka ayaa sheegay inuu go’aankaas gaaray ka dib markii labo marqaati ah ay bixiyeen sida uu yiri caddeymo cad oo lagu qanci karo oo sheegaya in ninkaasi aanu wax dambi ah laheyn.

Isagoo la arkayo ayuu soo dhaqaaqay markii xukunka lagu dhawaaqay halka taageerayaashiis ay bilaabeen in ay soo dhaweeaan iyagoo faraxsan.

Sanadkii hore xeer ilaaliyaha Kim Gardner ayaa keenay mooshin uu ku raadinayo in ninkan la sii daayo ka dib markii uu sameeyey baaris ay wada sameeyeen urur dhinaca sharciga qaabilsan .

Laakiin mar walba waxaa la lahaa ninkan waa dambiile mar walbana waxa la doonayey in uu xabsiga ku dhinto sida uu sheegay qaryaqaankii u doodayey .

Marcos Boyd ayey ku toogteen gurigga Johnson hortiisa labo nin oo wejiga soo xirtay bishii Oktoobar 1994 tii. Iyadoo dilkaas dusha laga saaray Johnson oo marar badan ku celcelinayey in aanu joogin guriga markii weerarku dhacay.

Ninkan ayaa hadda bilaabaya inuu furto dacwad uu ku doonayo in mag dhow laga siiyo mudadii 28ka sano aheyd ee uu u xirnaa dembiga lagu waayey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxay tahay taageerada Dowlada Somalia weydiisatay Imaaraadka Carabta?

Caydiid Ali

Kulan Xasaasi ah oo hada ka socda guriga Gudoomiyaha golaha shacabka

Cabdi Cade

Saciid Ciise: “Halgan kasta oo xalaal ah laguma guuleysto ilaa la huro Naf iyo Maal”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---