Xabsi Qurux badan oo laga Dhisay Muqdisho oo maanta xariga laga jarayo

Waxaa maaanta oo sabti ah lagu wadaa in si rasmi ah xariga looga jaro mid kamid ah xabsiyada ugu weyn sidoo kale ugu quruxda badan Geeska Afrika oo laga dhisay magaalada Muqdisho.

Furitaanka xabsigan sida casriga loo dhisay ayaa lagu soo aadiyay munaasabada aas aaska ciidanka Asluubta Soomaaliya, waxaana la filayaa in xabsiga si rasmi ah xariga uga jaraan Madaxweynaha ama Ra’isul Wasaaraha.

Dhismaha xabsigan ayaa socday mudo gaareysa sadex sano, waxaana xabsigan ka kooban yahay qeybo kala duwan oo la heer ah xabsiyada kale ee caalamka kuyaala sida ay sheegeen saraakiil katirsan ciidanka Asluubta.

Maxaabiista xukunada kala duwan lagu rido ayaa horey loogu heyn jiray xabsiga Dhaxe ee Xamar, waxaana la filayaa in maxaabiista qaar lagu soo wareejiyo xabsigan cusub marka si rasmi ah loo furo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -