Somalia oo Malaayiin dollar loogu deeqay ka dib booqashadii Linda Thomas-Greenfield

Danjiraha Mareykanka u fadhiya Qaramada Midoobay Linda Thomas-Greenfield ayaa ku dhawaaqday in Mareykanku uu bixin doono in ka badan 41 milyan oo doollar oo dheeri ah, si loo badbaadiyo nolosha Soomaalida, looguna daboolo baahiyaha bini’aadinimo ee ka jira

Linda Thomas-Greenfield ayaa hadalkan ka sheegtay booqasho ay ku joogta magaalada Muqdisho caasimada Somalia oo ay kula kulantay Madaxweyne Xassan Shiikh iyo xubno kale.

“Xaaladda bini’aadantinimo ee Soomaaliya waa mid aad u xun.” ayay tiri danjire Thomas-Greenfield mar ay khudbad ka jeedinaysay Muqdisho. “Isku darka xiisadda cimilada; dhibaatada gudbinta saadka ee uu kiciyay COVID; iyo colaadaha – sida midda Al-Shabaab, ayaa eraygaas naxdinta leh ee -macluul- dib ugu soo celiyey Soomaaliya” ayay raacisay.

“Macaluushu waa fashilka ugu dambeeya ee beesha caalamka. Dadkuna waa inaysan marnaba gaajo u dhiman. Waan diiday inaan aqbalo guul-darradaas,” ayay tiri danjire Thomas-Greenfield.

Tan iyo bilowgii sannad-maaliyadeedka ee 2022-ka, Mareykanka waxa uu Soomaaliya ku deeqay 1.3 bilyan oo doollar oo gargaar ah naf badbaadin ah. ah. Maalgelinta Maraykanka ayaa sannadkii hore ka ahayd in ka badan 80 boqolkiiba hawlgallada degdegga ah ee Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Geeska Afrika.

 

- Advertisement -