Ruushka oo cambaareeyay falalkii lagu gubay Quranka ee ka dhacay Sweden iyo Denmark

Ruushka ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii foosha xumaa ee lagu gubay Qur’aanka Kariimka oo ka dhacay Wadamada Sweden iyo Denmark.

Ruushka ayaa weerarkaasi ku tilmaamay Daandaansi cad oo Jaahilnimo ah oo lagu doonayo in lagu kiciyo dareenka Muslimiinta laguna abuuro Xiisado Diimeed.

Talaabooyinkan abaabulan ee lagu gubayo Quraanka kariimka maahan kuwo ka tarjumaya xorriyadda hadalka iyo dimuqraadiyadda, balse waa daandaansi axmaqnimo ah oo aan caqli-gal ahayn oo loogu talagalay in lagu huriyo fidnada diimaha iyo colaadaha u dhexeeya. waa in lala xisaabtamaa qabanqaabiyaya” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay dowlada Ruushka.

Moosko waxay sheegtay in waxyaabahan aan lagu sheegi karin Xoriyad hadal iyo Dimuqraadiyad.

Dhinaca kale, Turkiga ayaa  Muwaadiniintiisa uga digay Suuragalnimada weeraro la xiriira Islaam nacayb iyo cunsuriyad ay kala kulmi karaan Yurub iyo Maraykanka.

Turkiga ayaa bayaankan soo saaray kadib markii Yurub iyo Maraykan ay Dhankooda kasoo saareen  Digniin ay Muwaadiniitooda Turkiga jooga uga digayaan weeraro ay ugu yeereen kuwo argagixiso oo lagula kici karo .

Wasiirka Arimaha Dibada ee Turkiga ayaa sheegay in Muwaadiniinta Turkiga ah ee ku sugan Yurub iyo Maraykan ay si dagan u dhaqmaan haddii ay la kulmaan Isir/Islaam nacayb isla markaana ay ka dheeraadaan meelaha Mudaharaadadu ka jiraan.

Dhacdooyinkan ayaa salka ku haya Kitaabka Quraanka Kariimka ah ee dhawaan Sweden lagu Gubay iyadoo arrintaas uu Turkiga kaga jawaabay inuu is hortaago Sweden iney ka mid noqoto Xulufada ciidan ee NATO.

- Advertisement -