Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Faahfaahin: Qarax dhimasho & dhaawac geystay oo ka dhacay Duleedka Boosaaso

Waxaa soo baxaya faahfaahino dheeraad ah oo ku saabsan qarax galabta ka dhacay degaanka Kalabeyr ee duleedka Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari,  kaasoo Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac geystay

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ee meelaha durugsan laga qarxiyo ayaa lala beegsaday Maqaahi lagu shaaho oo ku taalla degaanka Kalabeyr.

Ugu yaraan hal ruux ayaa ku dhintay, halka saddex kale oo laba askar yihiin ay ku dhaawacmeen sida ay ay xaqiijinayaan dad goob joogayaal ah

Wararka ayaa sheegaya in goobta qaraxu ka dhacay ay ku sugnaayeen askar ka tirsan ciidamada Maamulka Puntland, kuwaasoo mararka qaar halkaas u soo soo doonta shaah iyo cuntooyin fudud.

Dadka ku dhaawacmay qaraxa ayaa la geeyay Isbitaalka magaalada Boosaaso halkaasoo haatan lagu daweynayo.

Ciidamada amaanka Puntland ayaa qaraxa ka dib halkaas gaaray, iyagoo sameeyey howgalo aan la ogeyn in dad lagu soo xiray, mana jiro illaa hadda wax war ah oo ay ka soo saareen Qaraxan ooaan looga baran degaankan.

Related posts

Suldaan Caan ahaa oo caawa la dilay iyo Faah faahino kasoo baxaya dilkiisa

Cabdi Cade

James Swan oo ka hadlay kulankii ay la qaateen Madaxda dowlad goboleedyada

Caydiid Ali

Haweeney Xaamilo aheyd oo Madaxa musbaar looga suray si ay u dhasho Wiil !(Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---