Haweeney Xaamilo aheyd oo Madaxa musbaar looga suray si ay u dhasho Wiil !(Sawirro)

Ciidamada ammaanka dalka Pakistan ayaa baadigoob xoogan ugu jira nin faallow ah oo la sheegay in haweeney xaamillo aheyd madaxa uga suray musbaar si ay haweeneydaasi u dhasho wiil.

Haweeneyda madaxa looga suray musbaarka ayaa markii ay dareentay xanuun waxa ay tagtay isbitaal kuyaalla magaalada Peshawar si looga soo saaro musbaarka oo dheererkiisu gaarayay ilaa 5 sentimitar.

Dhaqaatiirta ayey haweeneydan u sheegtay in iyadu madaxa isaga surtay musbaarka , hasa ahaatee haweeneydan ayaa markii dambe qirtay in nin faallow ah musbaarka madaxa uga suray si ay u dhasho wiil oo aad u rabtay.

Dr Haider Khan, oo ka shaqeeya Isbitaalka Lady Reading , ayaa sheegay in haweeneyda xaamilada ah aysan si toos u ah u miyir daboomin, balse ay xanuun aad u daran ay dareemeysay markii ay imanaysay isbitaalka.

Haweeneyda madaxa looga suray musbaarka oo ay u joogaan saddex gabdhood ayaa la sheegay in ninkeeda ugu hanjabay in uu ka tagayo hadii gabar kale u dhasho taas oo la sheegay in ay haweeneyda ku xambaartay in ay raadiso ninkan faallowga ah.

Booliiska dalka Pakistan ayaana bilaabay baaritaano ku aadan kiiskan dad badan aad ula yaabeen, waxa uuna taliyaha booliiska magaalada Peshawar cadeeyay in ay ku daba jiraan faallowga halista galiyay nolosha hooyada una sameeyay balan qaad been ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -